Muxuu yahay qorshaha xiga haddii laga guuleysto kooxda Al-Shabaab?

Maxaa xigi doona kadib burburka ku dhaca xagjiriinta argagixisada Al Shabaab?

Wadaadkii Maxamed Cabdulle Hassan ayey Soomaalidu u maaro weysey, waxeyna garan waayeen waxa uu hadafkiisu yahay oo ay ku taageeraan sida xukun dowladnimo, jihaad Islaanimo, ama hogaamin awood qeybsi dhaqan qabyaaladeed. Wadaadku wuxuu ku can baxay umulo-doox, burcadnimo dadka xoolahooda in la dhaco lagu xalaaleysto, aflagaado qabyaaladeed iyo gaaley siinta Soomaalida diidaneyd xukunkiisa kelitaliska ahaa, xasuuqida beelaha degenaa meelaha ay ku yaaleen talisyada xaruumahiisa, waxaase ugu dambeystii nasiibdaro ahayd in Soomaalidii badankeed ay wadaadkii ka raaceen gaaladii uu la dagaalamayey oo ay u arkeen inuu ka dhaqan xukun wanaagsanaa.

Wuxuu qirtay wadaadku  inuu 20 sano oo uu ku jirey halgan uu ku tilmaamay la dagaalanka gumeysiga shisheeyaha inuu ku diley hal nin oo cadaan ah, laakiin ay halgankiisii ku dhinteen kumanaan Soomaaliyeed, kumanaan qoysasna ay ku xoolo beeleen, ugu dambeyntiina uu mid mid u ugaarsaday lataliyeyaashiisii ahaa Qusuusida inta aysan dumin saldanadii dhalanteedka ahayd ee uu ku haminayey. Jabkiisa kadib waxaa la bililiqeystay wixii xoolo ah ee uu xoogga ku soo xalaaleystay, waxaa tacadiyo loo geystey dhamaan haweenkii xaasaska u ahaa isaga iyo xertiisaba, waxaana sidoo kale hana qaaday kala aarsi beeleed iyo isku adeegsiga awoodihii xukunka isticmaarka si beelaha qaar loogu gumeeyo oo deegaanadooda loogu awood sheegto, awood qeybsiga daakhilaga ahaana looga sadbursado.

Al Shabaab gabalkoodii ayaa sii dhacaya kadib markii gunaanadkooda uu ku soo idlaaday gubida tuulooyinka, duugista ceelasha biyaha, go’doominta jidadka ay dadka maciishadu u soo marto, dilka rayidka aan waxba galabsan, iyo xoog ku qaadashada xoolaha oo ay dadka intiisa badan cayrteeyeen. Dhaqankaas waalida ah wuxuu astaan lagama il duufaana u ahaa calaamadaha lagu xasuusto hoobadkii uu deg dega ugu socdey xukunkii Drawiishta ee uu hogaaminayey kelitaliyihii macangaga ahaa ee Maxamed Cabdulle Hassan. Al Shabaab si la mida Daraawiishtii ayey u burburayaan, iyagoo aan ka soo kici doonin hami jabkooda dhalanteedka ahaa oo ay gaari waayeen, laakiin su’aashu isweydiinta u baahan ay tahay waxa ay tahay iney xigi doonto burburkooda kadib!?

Waxaan shaki lahayn qaran jabkooda inuu ka dhalanayo khilaaf dhexdooda ah oo ay dhexdooda in badan iska laynayaan, iyagoo u qeybsamaya kooxo iska soo korjeeda oo midba midka kale uu ku jihaadayo, iyagoo ciilka ay isku qabaan awgeed ka indho daboolmaya cadowgooda guud oo ay dhinac walba uga hareereysan yihiin, waxeyna isku ugaarsanayaan hab qabiileed iyo weliba ku dagaalida xoolaha ay ummadda tabaaleysan xooga uga soo qaateen, iyo hantida badan oo ay ku dhex leeyihiin shirkadaha ganacsiga iyo kuwa ku xiran adeegyada shisheeyaha. Eedaha ugu weyn oo ay isku jeedinayaan dhexdooda waxaa ka mid noqon doona dhagar beeleedyada dhexdooda ah, dhagarta shisheeyuhu ku dhex abuuray, iyo ku dhexmilanka dowladda oo ay ku dhagaroobeen, waxeyna taas u horseedeysaa iney ugu horeynta ka taqalusaan dhamaan xiriiriyeyaashooda dhinaca ganacsiga, dowladda, shisheeyaha, iyo beelaha.

Qabiilada hubeysan Al Shabaab kadib hubka waxey kula soo jeysanayaan beelaha kale si ay u sameystaan dhulbalaarsi qabiileed iyo iney beelaha kale ku xukumaan degaanadooda. Sidoo kale hubka waxey ku geysanayaan fawdo ay qalqal ku gelinayaa deegaanada ay joogaan oo ay ka sameynayaan aarsi qabiil, burcadnimo, iyo jidgooyooyin ay ku baadayaan gadiidka iyo dadka ku safraya jidadka tuulooyinka ku xira magaalooyinka. Waxaan sidoo kale aan qarsoomeyn iney hubka kala horyimanayaan dowladda dhexe iyo mida maamul goboleedka haddii sida ay rabaan ay ka waayaan, iyagoo gacansaar ka raadsanaya cadowga deriska la ah Soomaaliya si ay qowleysatanimo ugu haystaan afduubida midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka, taas oo dowladda dhaxal siin doonta iney si qaldan u kala dooratay labo kala daran oo uusan midkoodna uusan ehel u ahayn dowladnimadda.

Al Shabaab kadib dowladdu bartilmaameysigeeda yey ku beegsan doontaa iney ka dhigato cadowgeeda ay ummadda ku beerlaxawsato iney la dagaalameyso si ay u geliso booskii ay baneeyeen cadawgii hore. Halkaas waxa ka soo muuqda inaysan dowladdu aysan jiri karin cadow la’aan, sidaasna ay ku bartilmaameysan doonto mucaaradka lidiga ku ah hogaanxumada lagu maamulayo dalka, waxaana ka curanaya ismaandhaafkaas iney xukunka isku koobaan koox xagjira oo doonaya iney xukunka haystaan wakhti dheer, iyagoo u maraya mudo kororsi iyo xukun boob ay si is xigxigta xukunka dib ugu soo noqnoqdaan, taas oo salka ku haysa xukun beeleed ku dhisan diktatooriyad ay koox yari ku xalaaleysanayso awooda dowladda iyo hantida qaranka.

Xiriirka wadamada deriska, deris xigeenka, iyo kuwa fog oo caqabad u arkayey iney danahooda ay Al Shabaab halis ku tahay, ayaa bilaabaya iney dalka gudahiisa ka abuurtaan xaruumo loogu adeegayo fulinta danahooda iyo qeybinta dadka iyo degaanada oo ay ku kasbanayaan naasnuujin dhaqaale, hub, iyo adeegyo dano gaara u ah dadka ay danahooda u adeegsanayaan, waxeyna sidoo kale ay dalka ka hirgelinayaan ururo bulsho, siyaasadeed, iyo kuwo ganacsi oo habdhaqankoodu ku saleysan yahay maafiyonimo iyo u adeegisga dano shisheeye si khayraadka dalka loo geliyo boob caalamka ka sharciyeysan, waxaana sidoo kale uurkujirka kala baxaya dowladda ururada IMF, WB, iyo deeqbixiyeyaasha oo hogaanka u qabanaya dalka, iyagoo ma’aweelintooda deyn cafinta iyo tuugsiga kaalmada lagu kabayo miisaaniyada dowladda ku fulsanaya hagardaamooyinkooda.

Horaa loo yiri ayax teg eelna reeb ee bal aan dhowrno Al Shabaab kadib jihada dalkeenu uu u ruqaansan doono, iyadoo hadda uu dalku ku sugan yahay diktatooriyad qabyaaladeed, dimoqaraadiyad qabyaaladeed, iyo federal qabyaaladeysan!!! Waxaan filanaaba waa doorka cusub oo ay ciidamada ATMIS ay ku yeelan doonaan nabad ilaalinta lagu kala celin doono dagaalada beelaha iyo kuwa maamul goboleedyada deriska ah, iyo weliba maareynta shisheeyuhu ku yeesho xal u helida xasaradaha xuduudaha, iyo hurinta dagaalada dibeda laga soo abaabulayo iyo tabaleynta dadka lagu aafeynayo abaaraha iyo colaadaha lagu barakicinayo, taas oo horseedeysa dalku inuu weligiis ku tiirsanaado tuugsi dibeda looga maamulo danahiisa. Kolley looma darsan doono Al Shabaab, laakiin waxaan qaadi doona jidkii dhagarta badnaa ee la qaaday1960 xoriyada kadib, kaas oo musuqa, qabyaalada, iyo u adeegida dano shisheeye iyo isku adeegsiga quwado shisheeye uu meherad u noqday isku maamulida dowlad magac ka ah Soomaali, laakiin uu danahiisa ugu adeegsado shisheeye.

W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

- Advertisement -