Madaxweyne Biden oo cafis u fidiyey Maxaabiis Jeelasha ku jirta oo loo heysto..

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii ku dhawaaqay tallaabooyin fulineed oo looga dan leeyahay in wax ka bedel lagu sameeyo mowqifkii dawladda ee Maraykanka ee la xiriiray isticmaalka daroogada  Marijuana.

Illaa 19 gobol oo Maraykanka ah ayaa ogol in Marijuana loo isticmaalo faakihaysi ama ay si rasmi ah ay sharci uga tahay, halka ay jiraan gobollo kale oo ogol in daawo ahaan loo isticmaalo, iyo gobollo kale oo ay sharci darro ka tahay in la isticmaalo, laga ganacsado ama la haysto Marijuana-da.

Waxaa xabsiyada Maraykanka ku jira, kumanaan qof oo ay ku dhaceen xukunno la xidhiidha isticmaalka, haysashada ama ka ganacsiga “daroogada” Marijuana.

Fariin muuqaal ah oo la duubay, ayuu madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay inuu soo saaray amar fulineed oo cafis loogu fidinayo dhammaan dadkii loo haystay dembiyada fudud ee heer federaal ee la xidhiidhay arrintan. Cafiskan ayay ka faa’iidaysanayaan in ka badan 6,500 oo qof oo Maraykan ah, sida ay sheegeen saraakiisha Aqalka Cad ee dalka Maraykanku.

Laakiin waxay sheegeen in inta badan dadka ay ku dhaceen xukunnada la xidhiidha daroogada Marijuana inay yihiin heer gobol, taas oo madaxweyne Biden uu ugu baaqay guddoomiyayaasha gobolladu inay cafis u fidiyaan dadka loo haysto dembiyada la xidhiidha Marijuana ee ku jira xabsiyada heer gobol.

Biden ayaa sidoo kale Khamiistii amray in dib u eegis lagu sameeyo, shuruucda heer federaal ee la xidhiidha Marijuana.

“Sida aan idhi markii aan u tartamayey doorashada madaxweynaha, qofna waa in aan xabsiga loogu hayn isticmaalka ama haysashada marijuana,” ayuu Biden ku yidhi hadal uu soo saaray. “Arrintani waa ka sharci gobollo badan, hase ahaatee diiwaannada dambiyada ee dadka ay ku dhaceen ama loo xidhay Marijuana waxay caqabad ku noqotay kuwa taagta daran, gaar ahaan marka ay shaqo raadsanayaan, marka ay guryo raadsanayaan iyo marka ay fursado waxbarasho raadsanayaan.” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

- Advertisement -