Dowlada Kenya oo ka jawaabtay Eedeyntii uga timid dowlada Soomaaliya

War Saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya faragalin ka wado xadka ay wadaagaan labada dowladood gaar ahaan dhinaca Mandheera.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowlada Kenya in  si deg deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanideeda dalka iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

Kenya ayaa durba ka hadasha eedeynta uga timid dowlada Soomaaliya, waxaana afhayeen u hadlay dowlada Kenya oo lagu magacaabo Cyrus Oguna sheegay in dowlada Soomaaliya laga rabo hadii ay dacwad qabto in safaarada Muqdisho ku leeyihiin soo mariso.

“Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbahainta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka dowlada Kenya u hadlay ayaa beeniyay in ay marti galiyeen dad baxsad ka ah dowlada Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowlada Kenya ay ilaalineyso xeerar caalamiga ah, waxa uuna tilmaamay in xadkooda xaq u leeyihiin in ay ilaashadaan.

“Waxaan nahay dal uu sharciga ku shaqeeya, waxaanu ixtiraamnaa xeerarka caalamiga ah balse haddii ay jirto cid wax ka tabaneysa Dowladda Kenya waxaa ajira wadiiqooyin loogu talo galay oo ay tahay in la maro oo lagu dacwoodo. Mana jirta sabab aanu u martigelino qof baxsad ah. Marka wax dacwad oo rasmi ah oo inaga soo gaartay safaaradeenna Muqdisho ma jirto, wana halkaas wadada ay tahay in la maro,” ayuu yiri Afhayeenka.

Hadalkan kasoo baxay dowlada Kenya ayaa kusoo aadaya xili xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera ay abaabul dagaal ka wadaan ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday dowlada Soomaaliya.

- Advertisement -