Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo hakisay heshiiskii Nuclearka, 60 cishana u qabatay reer Galbeedka

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta ku dhowaaqay in dalkiisa uu hakin doono u hoggaansanaanta mamnuucista kaydinta macdanta Uranium-ka iyo biyaha culus, taasoo qeyb ka ahayd heshiiskii caalamiga ee sanadii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeerka dalkaas.

Heshiiskan oo Iran ay la gashay Britain, China, France, Russia, Mareykanka iyo Jarmalka, ayaa Iran ay ku ogolaatay inaysan keydsan wax ka badan 300 oo kilogram oo ah macdanta uranium-ka ee la cusleeyey ah.

Iran ayaa sidoo kale ogolaatay inaysan keydasan biyaha culus ee loo adeegsado warshadaha nukliyeerka.

Iran ayaa ogolaanshahan ku beddelatay in laga qafiifiyo cunaqabateynta dhaqaale, hase yeeshee Mareykanka ayaa dib usoo rogay cunaqabateyntaas, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu heshiiska ka baxay.

Rouhani ayaa sheegay in dalalka kale ee qeybta ka ah heshiiska aysan kasoo bixin ballan-qaadyadooda islamarkaana ogolaadeen in xayiraadda Mareykanka ay saameyso saliidda Iran dhoofiso iyo bankiyadeeda.

Waxa uu dalalkan u qabtay 60 maalmood inay is-beddelo ku sameeyaan, isagoo xusay hadii ay taasi dhici weyso ay Iran gebi ahaanba ka bixi doonto heshiiskaas, wixii ka yimaadana ay masuuliyadeeda qaadi doonaan Maraykanka iyo reer galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo baaq u diray DF iyo maamul goboleedyada kaddib doorashadii Puntland ka dhacday

Cabdi Cade

Jadwalka & Shuruudaha doorashada Madaxweynaha K/Galbeed oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Wariye Cabdicasiis Afrika oo la aasay iyo Masuuliyiin ka qeyb gashay aaskiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---