Falanqeyn: Xubnaha xilalkooda loo daayey & Wejiyada ku cusub Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan qodobbada 97-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka kooban 27 Wasiir, 17 Wasiiru Dowle, 26 Wasiir ku xigeen.Wasiirada la magacaabay ayaa iskugu jira wasiiro cusub iyo kuwii hore oo qaarkood xilalkooda loo daayey, kuwo kalena laga bedelay Wasaaradihii ay horey u maamulayeen.

Wasiirada xilalka waayey ee ka tirsanaa xukuumadii Khayre ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii warfaafinta, C/llaahi Goodax Barre oo isna ahaa wasiirka Waxbarashada, Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ahaa Wasiirkii amniga, Wasiirkii Gaashaandhiga Amar-dambe iyo qaar kale.

Sidoo kale wasiirada aysan saameynin magacaabista golaha cusub ee xukuumada ayaa waxaa ka mid ah RW ku-xigeenka Mahdi Maxamuud Guuleed, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isna loo daayey xilka Wasiirka Maaliyada, Wasiirka arrimaha dibeda Axmed Ciise Cawad ayaa isna xafiiska sii joogi doona, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidaan Warsame ayaa sidoo kale Wasaaradiisa sii maamuli doona, Saalax Axmed Jaamac ayaa isna ka mid ah xubnaha ay hareer martay seefta RW Rooble, Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa shaqadiisa sii wadan doona,  Wasiirka dekedaha Maryan Aweys Jaamac ayaa sidoo kale loo daayey xilkeeda, Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa iyana ka mid ah xubnaha Xukuumada ee shaqadooda sii wadan doona, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa iyana laga qaaday xilka Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, waxaana loo magacaabay Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, halka Jamaal Maxamed Xasan uu sii heyn doono xilka Wasiirka qorsheynta iyo maalgeshiga.

Wejiyada cusub ee ka mid noqday wasiirada cusub ayaa waxaa ka mid ah Xasan Xundubey Jimcaale oo ka mid ahaa saxafiyiinta Soomaaliyeed, waxna ku soo bartay dalka Sudan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa noqday General Mukhtaar Xuseen Afrax oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo C/llaahi abuukar Xaaji uu noqday wasiirka cusub ee Wasaarada Waxbarashada, Cusmaan abuukar Dubbe oo laga dhigay Wasiirka warfaafinta, C/Rashiid Maxamed Axmed oo isna loo magacaabay wasiirka Batroolka iyo xubno kale oo badan.

Xubnahan ayaa xilalka loo dhaarin doonaa marka ay ansixiyaan labada gole ee baarlamanka Somalia oo la filayo in la horgeeyo maalmaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -