Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safaaradda Mareykanka oo difaacday Weriye Harun Macruf, canaan kululna u jeedisay NISA

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu difaacay weriye Harun Macruf oo u shaqeeya Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da oo ay dhowaan eedeysay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

“Haaruun Macruuf waa weriye xirfadle ah oo la ixtiraamo, una shaqeeya VOA-da, wuxuuna ka mid yahay saxayiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarka NISA wuxuu halis gelinayaa xoriyadda saxaafadda iyo madax bannaanida warbaahinta oo asaas u ah dimoqraadiyadda iyo dowlad lala xisaabtamo ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa dhowaan weriye Harun Macruf ku tilmaantay inuu halis ku yahay amniga Qaranka.

Eedeynta NISA u jeedisay weriye Harun Macruf oo illaa hadda aan la ogaanin waxa ay salka ku heyso ayaa baraha Bulshada ka dhalisay dood weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeyn lagu hoobtay oo markii 3aad loo geystay Xerada Jabalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada oo xukun culus ku riday dabley ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Ceyrintii Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo rajo badan abuurtay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---