Wasiirka ugu awooda badan Xukuumada Kheyre oo laga baaray Cudurka Caronavirus

Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa maanta lagu sameeyay baaritaan la xariira cudurka halista ah ee Caronavirus xili uu kasoo degayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shaqaalaha ee Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ugu tala gashay in dadka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kasoo dega ku sameeyaan baaritaanka cudurka Caronavirus ayaa Wasiirka amniga uga hortagay albaabka diyaarada kadibna baaritaan ku sameeyay.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa la sheegay in uu dhaga nuglaaday shaqaalaha caafimaadka ee baaritaanka sameenayay, waxaana sawiro lasoo qaaday muujinayeen wasiirka oo lagu sameenayo baaritaan isaga oo taagan.

Arintan ayaa waxaa xiiso gaar ah u yeelay Wasiirada dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhawaan ka biyo diiday in baaritaan lagu sameeyo xili ay garoonka kasoo dageysay.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay wasiirka ugu awooda badan golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana talaabada uu qaaday Wasiirka lagu tilmaamay mid ku dayasho mudan oo laga rabo madaxda kala duwan ee dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -