(Sawirro) Booliska Yuhuuda oo raadinaya Falastiiniyiin dad ku dilay duleedka Tel Aviv

Ciidamada amaanka Israel ayaa bilaabay ugaarsi balaaran oo ay ku baadigoobayaan labo falastiiniyiin ah oo looga shakisan yahay inay saddex qof ku dileen weerar ka dhacay magaalo ku taal bartamaha Israel, sida ay booliisku sheegeen.

Weerarka oo dhacay habeenimadii Khamiista, oo ah maalinta madax banaanida Israel, ayaa ah kii ugu dambeeyay kor u kaca rabshadaha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta oo sare u qaaday cabsida laga qabo inay dib ugu laabtaan iska horimaad ballaaran.

“Waxaan gacanta ku dhigi doonaa argagixisada iyo kuwa taageera, waxayna bixin doonaan qiimaha,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett ka dib weerarkii ka dhacay magaalada Elad, oo qiyaastii 15 km (9 mayl) u jirta Tel Aviv.

Goob joogayaal iyo kuwa gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay isticmaaleen faashash. Afar qof oo kale ayaa si xun loo dhaawacay, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Booliska ayaa ku sheegay ragga dilka geystay in ay ahaayeen labo Falastiini ah oo ka soo jeeda deegaanka Jenin ee dhulka ay Israa’iil haysato ee Daanta Galbeed, waxaana ay sheegeen in ay u badan tahay in ay goobta kaga baxsadeen gaari ay wateen. Booliska ayaa jidgooyooyin dhigtay, waxaana la dhigay diyaarad helicopter ah, waxayna shacabka ka codsadeen in laga caawiyo sidii loo heli lahaa tuhmanayaasha.

Wasiirka Difaaca Israel Benny Gantz ayaa kordhiyay xiritaanka Daanta Galbeed iyo Gaza, oo la soo rogay ka hor fasaxa qaranka si looga ilaaliyo Falastiiniyiinta inay soo galaan Israel, ilaa Axadda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii waxa uu cambaareeyay “weerarkii argagaxa lahaa ee lala beegsaday rag iyo dumar aan waxba galabsan.” sida uu hadalka u  yiri.

- Advertisement -