Al-shabaab oo joojisay dhismayaal ka socday Muqdisho & DF oo si kulul uga hadlay

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo Kooxda Al-Shabaab ayaa amar ku joojisay dhismayaal ka socday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo milkiilayaasha iska leh dhismayaashaasi ku amartay iney hakiyaan shaqada ka dib markii ay bixin waayeen lacago la weydiistay.

Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in la qaato amarka Al-shabaab uu ka tarjumayo inay tahay arrin dambi ah.

“Kooxda argigaxisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi ku jooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, waxay muujineysaa iney tahay arrin aan la aqbali karin” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Milkiilayaasha dhismayaashaas ayuu faray iney deg deg u shaqo bilaabaan, isagoo sheegay in dowladda ay talaabo adag ka waadi doonto cidii aan u hagaansamin awaamirteeda.

“waa in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha oo ay bartoodii ka wataan, ciidamadu ammaanku ayaa tallaabo ku haboon ka qaadi doona kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah” ayuu hadalkiisa kusii daray.

 

- Advertisement -