Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Yurub ee Liibiya la gashay Turkiga?

Ra’iisul Wasaaraha Libya ee fadhiggiisu yahay Tripoli Cabdulxamiid Dabiibah ayaa difaacay heshiis uu horraantii toddobaadkan la saxiixday Turkey oo ku saabsan in shidaal iyo gaas laga sahmiyo badda Meditareeniyaanka, kaasi oo ka careysiisay dalalka Yurub.

Heshiiska is-afgarad, oo yimid saddex sano kadib heshiis muran dhaliyey oo xuduudda badda ku saabsanaa, ayaa dhaliyey falcelin caro leh oo ka timid Greece iyo sidoo kale kuwa kasoo horjeeda Dabiibah ee Libya ku sugan, halkaasi oo laba maamul ay ku loolamayaan awoodda.

“Heshiiska is-fagarad ee Libya iyo Turkey wuxuu ku saleysan yahay heshiisyo hore oo xitaa ka horreeyey 2011,” ayuu yiri Dabiibah oo tixraacaya sanadkii kacdoon ay taageereysay NATO xukunka looga tuuray kaligii-taliye Mucamar Qadaafi, taasi oo dalka Libya gelisay sanado rabshado ah.

“Waa xuquuqdeena inaan saxiixno heshiisyo is-afgarad, waxaana saxiixnay boqolaal ka mid ah si aan sare ugu qaadno iskaashiga dalalka kale.”

Dowladda Dabiibah ayaa waxaa caasimadda Tripoli ee galbeedka Libya looga dhisay heshiis nabadeed oo QM ay hoggaamineysay sanadkii tegay.

Hase yeeshee waxaa tan iyo bishii March uu loolan kaga imanayey dowlad kale oo ka dhisan bariga, oo ku doodeysa in waqtigeeda uu dhacay, islamarkaana aysan xuquuq u laheyn inay saxiixdo heshiisyo.

Su’aasha ku saabsan xuquuqaha kheyraadka tamarta Libya ayaa sanadkan noqday kuwa deg deg ah xilli qiimaha tamarta caalamka uu sare u kac ku yimid.

“Dalabaadka caalamka ee gaaska ayaa aad u kordhay tan iyo duulaankii Ruushku ku qaaday Ukraine, waxaana sii wadi doonnaa inaan sahmino saliidda ku jirta dhul badeedkeena innaga oo iskaashi la sameyneyna dalalka kale,” ayuu Dabiibah ku yiri khudbad uu jeediyey Arbacadii.

Heshiiska Isniintii ayaa xoojinaya heshiisyo kale oo Ankara ay la saxiixatay maamulka fadhigiisu yahay Tripoli 2019-kii, xilligaas oo caasimadda uu ka socday dagaal uu kusoo qaaday hoggaamiyaha militari ee fadhigiisu yahay bariga Khaliifa Xaftar oo isku dayey inuu xoog ku qabsado.

Diyaaradaha Drone-ka Turkiga oo la siiyey xoogagga fadhigoodu yahay Tripoli ayaa muhiim u noqday guushii laga gaaray Xaftar, kaasi oo xilligaas ay taageerayeen Masar, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta.

Heshiiskii 2019, Turkey waxay ku sheegatay dhul baaxad leh oo ku yaalla bariga badda Meditareeniyaanka, taasi oo ka careysiisay Greece, France iyo Midowga Yurub.

Isniintii, wasiirka arrimaha dibedda Greece Nikos Dendias ayaa sheegay in isaga iyo dhiggiisa Masar “ay labadaba ka loolameen sharciyadda” heshiiska.

Greece, Masar iyo Qubrus ayaa rumeysan in heshiiska 2019 uu xadgudub ku yahay xuquuqdooda dhaqaale ee aag la tuhunsan yahay inuu ka buuxo kheyraad gaas.

Dabiibah ayaa Arbacadii ku jawaabay “inuusan ka walaacsaneyn mowqifka dalalka kasoo horjeestay heshiiska”.

VOA/AFP

- Advertisement -