Dagaalkii Laascaanood oo xoogeystay & Isimada SSC oo war soo saaray (Sawirro)

Dagaal qaraar oo ka kulul kuwii shantii maalmood ee la soo dhaafay ayaa tan iyo saaka arooryadii hore ka socda bariga iyo koonfurta magaalada Laascaanood.

Dagaalkan xooggan ayaa imanaya saacado ka dib Somaliland ay shaacisay xabbad joojin aanay shuruud ku xirnayn.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saacadaha badan socda, kaasoo dhinacyada dagaallamaya ay isku eedaynayaan, waxaana sidoo kale magaalada ku socota duqeyn aad u xooggan.

Waxaase la xaqiijiyay dhimashada dhakhtar ka howlgeli jiray mid kamid ah isbitaallada magaalada.

Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa saaka war saxaafadeed lagu daabacay lagu sheegay in xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqeen aysan dhanka kale kale addeecin oo saakay ay weerar ku soo qaadeen.

Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maanta ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay shirka Isimada ka dib ayaa wuxuu sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland. hase ahaatee aysan xabada joogsan karin ilaa la fuliyo labo shuruudood oo kala ah in ciidamada Somaliland ay ka baxaan guud ahaan nawaaxiga Magaalada Laascaanood & in maamulka Muuse Biixi uu raali gelin ka bixiyo inuu argagixiso ku tilmaamo.

Dhinaca kale, shir ayaa magaalada Hargeysa ugu  dhammaadey madaxda xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madaxweynaha Somaliland. Shirkaas oo lagaga hadlay khilaafkii doorashada ee labada dhinac u dhaxeeyay iyo xaaladda Gobolka Sool.

Wararka hordhaca ah ee shirkaasi laga helayo ayaa sheegaya in Guddi loo saaro khilaafkii u dhaxeeyay Xukuumadda iyo Mucaaridka, si looga heshiiyo arrimaha la isku khilaafay ee ay ka mid tahay Doorashada madaxtooyada.

Sidoo kale, waxay dhinacyadu ku baaqeen in xaaladda Laascaanood wada-hadal iyo nabad lagu dhammeeyo.  Waxaana la filayaa inay dhinacyadu soo saaraan War-murtiyeed loo dhan yahay.

SAWIRADA DUQEYNTA LAASCAANOOD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -