Jabhada TPLF oo War kasoo saartay Wadahadalada ay la galayaan Dowladda Itoobiya

Midowga Afrika ayaa ka shaqeenaya in wadahadalo nabadeed isugu keeno dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda, si xal looga gaaro colaada ka aloosan Waqooyiga Itoobiya ee dadka badan ku dhinteen.

Jabhada ka dagaalanta gobolka Tigrey ee TPLF, ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in ay aqbaleen wadahadalada nabadeed ee la galayaan dowladda federaalka ee garwadeenka ka tahay ururka Midowga Afrika.

Qoraalka kasoo baxay TPLF ayaa looga dalbaday Midowga Africa in ay cadeeeyaan cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan.

Dowladda federaalka Itoobiya gaar ahaan Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa horey u aqbalay wadahadala ay la galayaan TPLF ee lagu wado in uu ka dhaco dalka Koonfur Afrika, waxaana wadahadal xal loogu raadinayaa colaada ka aloosan Waqooyiga Itoobiya.

Wadahadalada ay isugu imaanayaan dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF waxaa hoggaamin doona Madaxweynayaashii hore ee Nageria iyo Kenya , iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -