Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo qorsheyneysa iney hawada u dirto dayax gacmedkii u horeeyey (Sawirro)

Jabuuti ayaa heshiis horudhac la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong,

Heshiiska ayaa ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido xilli Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun laga diro dayax-gacmeedyada.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goob joog ka ahaa heshiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jabuuti.

Mashruuca dayaxgacmeedka Jabuuti waxaa ku bixi doonaa $1 bilyan oo doolar, wuxuu qaadan doonaa muddo shano sano ah.

Sidoo kale waxaa mashruuca qeyb ka ah in deked iyo waddo laga dhiso gobolka waqooyiga dhaca ee Obokh.

Dalalka Itoobiya iyo Kenya oo deris la ah Soomaaliya ayaa horey dayax gacmeedyo ugu diray, Jabuuti ayaana noqoneysa dalkii 3aad ee qorsheynaya inuu qaado talaabadaas oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo shaqada laga joojiyey & dembi culus oo loo heysto

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka shaqeenaya in muddo kordhin loo sameeyo iyo Baarlamaanka oo…

Cabdi Cade

Farmaajo oo Shuruudo adag ku xiray in shirka DF iyo Maamulada lagu qabto Muqdisho !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---