Bandow caawa lagu soo rogay Baladweyne iyo Koronto la’aan ka taagan

Magaalada Baladweyne ayaa caawa waxaa lagu soo rogay Bandow soconaya muddo 24 saacadood ah ka dib qaraxyadii lagu hoobtay ee maanta ka dhacay.

Taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan labo Xidigle Bashiir Xuseen Jimcaalle ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah iney guryahooda joogaan, maadama laga cabsi qabo weeraro kale oo qaraxyo ah oo ku jira gudaha magaalada Baledweyne.

Waxaa uu xusay in ciidanka ay sameynayaan howlgalo ku aadan xaqiijinta amaanka magaalada.

Ciidamo farabadan ayaa galinkii dambe ee Maanta la soo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee dhexmara magalaada Baledweyne, iyadoo wadooyinka qaar loo ogoleyn isticmaalka dadka iyo gaadiidka.

Magaalada Baledweyne waxaa ka dhacay maanta ilaa sadax qarax oo Ismiidaamin ahaa kuwaasoo geystay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeed

Guud ahaan Magaalada Baledweyne ayaa caawa degan inkastoo magaalada gudaheeda inta badan ay ka jirto xaalad Koronto la’aan ah maadama qaraxyadii Maanta ay waxyeeleyeen baalayaasha iyo fiilooyinkii korontada.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay saddex qarax oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, sida ay ilo-wareedyo kala duwan sheegeen, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa imanaya saacado kadib markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareaysa Al-Shabaab, Maraykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo doollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -