Bangiga Adduunka oo ballanqaad u sameeyay Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo xubno kale oo la socday.

Kulankan dhax maray ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubnaha matalayay Bangiga adduunka ayaa looga hadlay sidii ay gacan uga geesan lahaayeen abaaraha dalka ka jira oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo.

Madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo xubnihii la socday ayaa warbixin dheer ka siiyay ergeyga mashaariic farobadan oo Bangiga Aduunku ka wado Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale sheegay in mashaariicda oo ahaa kaliya horumarin qaarkood loo qaabeeyay si wax uga tari karaan arrimaha abaaraha maadaama xaaladda abaaruhu daran yihiin.

Xubnaha Bangiga adduunku waxa ay si firfircooni leh uga hadlayeen howlaha kala duwan ee ay rabaan in ay Soomaaliya ka fuliyaan iyaga oo tilmaamay in ay quuddareynayaan dardargelinta fulinta mashaariicda hore loo oggolaaday.

Madaxa Bangiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya ayaa taageero gacan siin ah u ballan qaaday ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxa ayna labada dhinac ku ballameen wada shaqeyn dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -