Qaar ka mid ah dhaawacyada qaraxii Baladweyne oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Dhaawacyada 24-qof oo ah kuwii qabay dhaawacyadii ugu daraa ee qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa caawa laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kadib markii galabta ay dowladda Soomaaliya diyaarad u dirtay.

Dayuuaradda ayaa galabta Muqdisho ka qaaday gargaar u badan mid caafimaad ayaa Beledweyne ka soo qaaday dhaawacyada 24 qof oo Muqdisho la keenay.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdullaahi Ayaa Sheegay in Mashaqadii maanta ka dhacday Magaalada Baladweyne ay dhibaato badan Shacabka ka soo gaartay, wuxuuna Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ku baaqay in gurmad dhinac kasta leh loo diyaargaroobo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr.Cali Xaaji ayaa sheegay in dhaawacyadii ugu darnaa ee ka dhashay qaraxyadii Beledweyne ka dhacay caawa la soo gaarsiiyey Magaalada Muqdisho, Waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ballan qaaday in dadka kale ee liita berrito la soo qaadi doono.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii Qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Beledweyne.

“Falalka bahalnimada ah oo ay geysanayaan kooxaha Argagixisada ma noqon doonno mid niyad jabiya Kacdoonka Shacab iyo midka Ciidankeena geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada, Reer Hiiraan waxaynu la qeybsaneenaa dhibta iyo xanuunka, waxaan leenahay Allaha ha idin la jiro, anagana mar weliba waxaan nahay garabkiina”. ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Kooxaha ciribtirayo Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -