Feysal Cali Waraabe oo Xassan Shiikh ka dalbaday fulinta arrin la xiriirta Somaliland

Guddoomiyha xisbiga mucaaradka ee UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in xaley uu soo jeediyay si uu ula socdo natiijada doorashada.

“Aniga oo waligey daawan doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u dambeysay” ayuu yiri Feysal CalI Waraabe.

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa Shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si uu dalka u gaarsiiyo doorasho awooddooda codeynta dib ugu soo celiyo si ay u doortaan hogaamiyaha ay rabaan.

“Hambalyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan leeyahay, inta Doorashadu ay socotay waan soo jeeday oo waa doorashadii igu horreysay ee aan daawaday” Sidaasi waxaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka codsaday fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay Somaliland muddo xileedkiisa 2012-2017 si looga mira-dhaliyo wada-xaajoodka Dowladda Federaalka & Somaliland.

Waxaa uu ku eedeeyey Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Somalia inuu Somalia ka dhisay dowlad la mid ah tii lala dagaalamay ee Kacaanka, ayna geysatay gabood falo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -