Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka XDS oo abaabul dagaal ka wada Baxdo (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Xildhibaan Cabdisaabir, Taliyaha Ciidamada Xoogga Jem Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka degaannada hoos taga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Goobaha ay booqdeen masuuliyiinta iyo saraakiishan ayaa kala ah deegaannada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle.

Waxaa goobahaas ku sugan Ciidamada qabaailka deegaanadaas, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga oo dhawaan ka saaray Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa ayaa dadkii deegaanka ee furumahaas uu ugu tagay ka ballan-qaaday in ay garab taagan yihiin, wuxuuna ku boggaadiyay sida ay u go’aansadeen la dagaalanka  wax uu ugu yeeray argagixisada ka gubtay Ceelashii iyo guryihii ay dagganaayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed ayaa dhankiisa ku boggaadiyay ciidamada deegaanadaas, sida ay ugu dhiirradeen inay iska dul qaadaan Khawaarij banneysatay dhiiggooda, hantidooda iyo sharafkooda, kana been sheegaya diintooda sida uu hadalka u dhigay.

Wararka ayaa sheegaya in degaanka baxdo ka socdo abaabulka weeraro cusub oo ka dhan ah degaaanada ay weli gacanta ku hayaan Al-Shabaab kaasoo ay wadaan dadka degaanka iyo ciidanka xoogga dalka.

Dadka degaanka Baxdo ayaa si weyn loogu xusuustaa sidii ay isaga difaaceen weerar culus oo ay dhowaan ku qaadeen Al-shabaab waxaana dagaalkaas si xun loogu jebiyey Al-shabaab oo dagaalyahano ku dhow 100 laga dilay.

- Advertisement -