Daroogo lagu qiimeeyey “$14 Milyan” oo lagu qabtay garoonka Addis ababa (Sawirro)

Garoonka dayuuradaha Pole ee magaalada Adiss Ababa ayaa waxaa lagu qabtay 97.48kg oo xashiishadda loo yaqaano “cocaine-ta” ah.

Xashiishadan ayaa ku kala  jirtay labo shandadadood oo miisaankoodu kala ahaa 48.62 Kg iyo 48.86 Kg. sida ay boolisku sheegeem

Waxaa watay oo lagu qabtay eedaysane ka yimid Nairobi oo aan la shaacin dhalashadisa iyo magaciisa, kuna socday Addis Ababa.

Kastamka Ethiopia ayaa xashiishadan ku qiimeeyey aduun gaaraya 773 milyan oo Bir oo u dhiganta ($14 Milyan) oo Dollarka Mareykanka.

Xashiishada waxa lagu soo dhex-guray waraaqo buug ahaan loo ekeysiiyey, iyada oo bacda “Aluminum-ta” ahna dusha lagaga dahaaray, si aanu (Machine-ka Xray-ga” ee shandadaha lagu hubiyo u qaban.

Balse Miisaanka shandadaha, habraaca la rabay in lagu saaro, dareenka wejiga ee eedaysanaha iyo qaabka bushqadaha loo soo xiray ayaa kordhiyey cabirka khatarta ee shandadaha, taasoo fatishaad ka dib la ogaaday in bushqadaha ay ku jirto xashiishada nooceedu yahay “cocaine-ta”.

- Advertisement -