Dab xoogan oo qabsaday Warshada Shidaalka Sifeysa iyo Faah faahino kasoo baxaya

Warshad shidaalka sifeysa oo kutaala gobolka Homs ee dalka Siiriya ayaa dab xoogan qabsaday, waxaana markii dambe ciidamada dab damiska dowlada ku guuleesteen in dabkaasi damiyaan.

Warbaahinta dowlada Siiriya ayaa ku waramay in dabka uu qabsaday warshada ugu weyn ee shidaalka sifeysa ee kutaala gobolka Homs, mana sheegin warbaahinta khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka warshada qabsaday.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday warshada dabku qabsaday, waxaana la arkayay goobta warshadu ku taal oo uuru iyo qiiq madow uu ka baxayo.

Warshadan ayaa sidan oo kale dab uga kacay bishii janaayo ee sanadkii hore ,waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, warshadan dabku qabsaday ayaana kamid ah warshadaha shidaalka sifeeya ee kuyaala gudaha Siiriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -