Maxaa ka dhacay dalka Masar 8 qarni ka hor Markii uu dhowr sano guray webiga Nile?

Beryahaan waxa badatay hadal haynta biya-xireenka ay Itoobiya ka dul taagayso webiga Niil, kaas oo laga yaabo in uu keeno biyaha Niil oo yaraada ama gebi ahaanba gura iyo boqol iyo labaatan (120,000,000) oo Masaari ah oo harraad iyo gaajo ay lasoo dersaan.

Haddaba arrintaasi waxa ay i xusuusisay dhacdo siddeed qarni kahor ka dhacday dalka Masar. Waxa dhacday in waqtigaas webiga Niil uu guray, wax soosaarkii beeruhuna uu gabaabsi noqday. Arrinta biyo iyo baad la’aantu waxa ay gaartay heer ruux aadane ahi riyo mooyee inay run ahaan dhici karto aanu malaysan karin.

Aniga oo aad usoo koobaya, waxan aqristaha sharafta leh indhihiisa hor dhigayaa musiibada xilligaas dhacday ee socotay muddadii u dhaxaysay 596-598 Hijrada (1200-1202 AD).

Qoraagii weynaa ee Al-Maqriizi waxa uu ka yiri: “Markii uu raashinkii gabaabsi noqday, ascaartii ay korortay, sicir barar ba’anina uu dhacay, waxa la gaaray heer dadku ay meydadka cunaan oo iyaga qaarkood uu qaarka kale cuno. Taas waxa ka dhashay baaba’ ba’an, waxana balaayada sicir bararku ay billaabatay sannadkii 596 Hijrada billowgiisii socotayna muddo saddex sannadood isdaba joog ah oo aanu webiga Niil biyo lahayn. Raashinkii baa ili-ma aragto noqday, qoysas badan oo Masar ka qaxay oo Shaam u cararay iyaga iyo carruurtoodii dhexda ayay gaajo iyo harraad ugu dhammaadeen.

Geeridu maal-qabeen iyo sabool isku si bay u gaartay, dadka uu suldaankii caadilka ahaa Al-Ayuubi gacantiisa ku aasay waxay gaarayeen 120,000 qof. Eeyihii oo dhan waa la cunay, carruurtiina tiro aan yarayn baa laga cunay. Ilmaha yar kolka uu saqiiro, hooyadiis iyo aabbihiis baa inta ay dubtaan cunayey, arrintaasi dhif ma ahayn oo sidii uu u dhacayay waxa uu noqday wax caadi ah. Dabadeed, dadku waxay billaabeen in ay is khiyaamaan oo qofkii la siri karo inta meel la geysto, dabadeed la cuno. Qofkii qofka kale ka xoog badiyaa waa uu cuni jiray. Dhaqaatiir badan baa la waayey, iyaga oo inta “qof baa naga jirran”loogu yeero, kolka uu aqalka galo, inta la gowraco la cuni jiray”.

Al-Maqriizi waxa uu tebiyey sheeko argaggax leh oo ku dhacday dhaqtar ay u suurto gashay in uu musiibadaas faro ciddi leh uga fakado, isaga oo leh: “Waxa la isku raacay in reer uu dhaqtar u yeertay. Dhaqtarkii oo ay baqdini ku jirto ayaa qofkii raacay. Dhaqtarku Intii jidka lagu sii jiray Qur’aan buu afka ku hayey, faqiir kasta oo uu sii marana sadaqo ayuu siinayey ilaa ay gaareen gurigii oo ahaa muddul burbursan. Dhaqtarkii shaki baa galay, cabsidiina way ku badatay. Kolkii ay damceen inay guriga galaan, baa waxa kasoo baxay nin ninkii dhaqtar keenay si caro leh u yiri: Wax aad maanta oo dhan maqnaataba ma hal ugaar uun baad inoo wadaa!! Dhaqtarkii inta uu argaggaxay buu labada cagood ciidda ku dhiftay, Eebbe galladdiis iyo orod badnidiisa haddaanay ahaan lahaynna, inta la qabto ayaa lagu cashayn lahaa”.

Al-Maqriizi waxa uu halkiisa kasii watay tebinta dhibaatadii argaggaxa lahayd ee ka dhacday Qaahira, isaga oo sheegay In dadkii ay billaabeen inay carruurtooda si dhab ah u cunaan, waxana uu yiri: “Qaahira dadkeeda intii badnayd waa ay dhinteen, qofka dhintana waxa la gaaray heer cid aasta la waayo oo uu muddo bilo ah meydkiisu iska yaallo ilaa uu bololo ama la cuno. Qaahira waxa usoo hayaamay dad badan oo tuulooyinka kusoo baahday, raashinkii waa uu idlaaday waxana la gaaray heer ubadka aadanaha la cuno. Aabbuhu inta uu ilmihiisa yar dubto ama karsado, ayuu cunayey. Ninkii magaalada madaxda ka ahaa markii uu dhacdooyinkaas maqlay, waxa uu amar ku bixiyey in dadka la baaro oo qofkii arrintaas lagu helo la dilo. Islaanta waxa boorsadeeda garabka laga helayey ilmeheedii yaraa garabkiis ama cajarkiis. Dadka qaar guryaha deriskooda kolka ay dab ka shidan arkaan bay u geli jireen si ay raashinka ula cunaan. Markaas baa digsiga laga soo rogi jiray hilibka ilmohoodii yaraa oo bislaaday. Dhacdooyinka caynkaas ahi waxay ugu banaayeen oo ka dhici jireen guryaha dadka markoodii hore maal-qabeennada ahaa. Rag iyo dumarba suuqyada waxa lagu arkayey iyaga oo wata hilibka carruurtooda, waxayna noqotay dhaqan iska caadi ah, maxaa yeelay waxa la waayey wax Allaale wax kale oo la cuno oo nafta lagu ceshado”.

Sabriye Musse
moqokori@gmail.com

- Advertisement -