Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi la qaatay Taliyeyaasha Ciidanka ATMIS (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee ATMIS.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle, Taliyaasha Guutooyinka 3aad iyo 4aad ee Ciidanka XDS, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Lataliyaasha Xafiiska Madaxweynaha.

Waxaa kulanka looga hadlay arrimaha amniga, howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgaladaas looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalada al-shabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle waxaana uu intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada istaago ciribtirka wax uu ugu yeeray argagixisada cadowga ah.

Ciidamada ATMIS ee ku sugan degaanada Hirshabelle ayaan ilaa iyo hadda qeyb ka aheyn howlgalada inta badan gobolka Hiiraan looga saaray Al-shabaab oo ay horkacayaan ciidanka DF iyo shacab hubeysan oo ka soo jeeda qabaailka degaanka, waxayna arrintaas weji gabax ku noqotay ciidanka ATMIS oo Somalia u jooga iney la dagaalamaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -