Dowlada Soomaaliya oo beenisay hadalkii kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Dowlada Soomaaliya ayaa beenisay hadalkii uu ka dhawaajiyay Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya ee Abiy Ahmed oo ahaa in Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen in Mustaqblka dhaw noqdaan hal dowlad.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo Wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa beeniyay hadalka R/Wasaaraha ee ahaa in ay ku heshiiyeen in labada dal midoobaan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Heshiiska labada dowladood ku gaareen Muqdisho uu ahaa heshiis mudo dheer soo socday, waxa uuna cadeeyay qodobada lagu heshiiyay in uu ku cadaa Shirkii Jara’id ay qabteen Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy.

‘’ Waxaa wada hadlay laba dal oo kala madax banaan, heshiiska la gaaray waxa uu ahaa mid mudo dheer soo socday, waxaa laga wada hadlay xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo xoojinta xiriirka dhaqaale’’ Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa meesha ka saaray warka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna sheegay in Madaxda dalka ay yihiin Wadaniyiin aysan ka suurtoobin in ay gor gortan ka galaan Madax banaanida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii uu ku noqday dalkiisa booqashadii Muqdisho ka dib sheegay in qorshaha ay doonayaan uu yahay sidii marka ugu dambaysa ay Soomaaliya iyo Itoobiya u midoobi lahaayeen oo ay u noqon lahaayeen hal dal.

Halkan ka AKhriso hadalka kasoo yeeray R/Wasaaraha Itoobiya

RW Itoobiya oo markii uu ka laabtay Somalia jeediyey hadal shaki badan abuuray (Daawo Video)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -