DF oo shaacisay Magacyada Saraakiil ay ku jiraan ajaaniib oo laga dilay Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay caawa magacyada saraakiil  iskugu jirta ajaaniib iyo Soomaali kuwaasoo ay sheegtay in Al-shabaab looga dilay dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Ciidamada qalabka Sida oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan DF ayaa shaacisay magacyada qaar ka mid ah  Al-shabaab ay ku weysay howlgalada Ciidanka XDS.

Degaano dhinaca jiinka wabiga Shabeelle kaga beegan degaanka Booco oo dhawaan Al-shabaab laga saaray ayay idaacadu sheegtay in Ciidanka kumaandoska Gorgor ay ku dileen xubnaha kal ah

1-Cabdiraxmaan Giir oo magaciisa afgarashadu yahay (Digsi)

2-Maxamed Yusuf oo magaciisu afgarashadu yahay (Abuu Nucmaan) iyo

3-Nin magaciisa lagu soo koobay Abuu Yaxye oo dhalasaho ahaan ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika

“Waxaa jira horjoogayaal kale oo maleeshiyaadka  aragagixisada Al-shabaab looga dilay howgalada ka socda gobolka Hiiraan balse baaritaan iyo xaqiijin ayaan ku wadnaa” ayuu yiri Dhamme Maxamed Xirsi Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad ee Kumaandoska Gor-gor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -