Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab oo ku fiday Bakool & ciidanka DF oo..(Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya maamulka gobolka Bakool ayaa maanta howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay  ka sameeyeen degaano dhowr ah oo hoos yimaada Magaaladda Xudur.

Degaanada howlgalka looga sameeyay oo ciidanka Xoogga ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley.

Waxaa isaga baxay degaanadan kooxda Al-shabaab oo muddo badan ka arrimin jiray ka dib markii ay ka war heleen duulanka ku soo wajahan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab tan iyo inta ay ka saarayaan degaanada hoostaga gobolka Bakool ee ay weli joogaan.

Ciidamadii Al-shabaab ee isaga baxay degaanada lagala wareegay ee duleedka magaalada Xudur ayaa la soo sheegayaa iney isku abaabulayaan degaano aan ka fogeyn goobahaas, iyagoo qorsheynaya iney soo qaadaan dagaalo rogaal celis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Farmaajo: “Somalia waxay ku qanceysaa oo kaliya go’aanka Maxkamadda ICJ” (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul wasaare khayre oo ku wajahan magaalada Kismaayo Saacadaha soo socda..

admin

(Akhriso) Dowlad goboleedka Puntland oo Magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood

Caydiid Ali