Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo kormeeray dhismaha Mashruuc weyn oo ka socda Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wadada Laacdheere iyo Rabaable oo uu kusocdo dhisme, waa 14KM oo hadda laamigii la saarayo isla markaana la dayactiray 14 Buundo.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan sida shaqadu u socoto ka dhegaystay Masuuliyiinta Hay’adda Waddooyinka Puntland, Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Oo dhisaysa Wadada iyo Injineerada shaqada gacanta ku haya.

Wadadan ayaa ka mid ah Waddooyinka Isku xira Gobollada Puntland ee ay Dowladda Puntland dib-u-dhiseyso, waxaana qorshuhu yahay Bisha November in la dhameystiro.

Madaxweynaha ayaa intii uu Kormeerka ku jiray booqday Biyo xireenka deegaanka Rabaable oo ay Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Kaasi oo Biyihiisa ay ka faa’ideysteen xoola dhaqatada iyo Beeralayda deegaankaasi ku nool .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraakiib laga leeyahay Sacuudiga oo lagu Weeraray Xeebaha Imaaraadka

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay degaanka Soomaalida Kenya

Caydiid Ali

Wasiiradii ugu horeeyey ee Xukuumada cusub oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali