Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Madaxweyne Cali Guudlaawe kala hadlay wakiilada C6+? (Sawirro)

Madaxweyanaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo dalalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada.

Shirkaan ayaa looga hadlay howlgalada baahsan ee lagu ciribtirayo Al-shabaab ee ka socda degaanada Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo guulo la taaban karo laga gaaray.

Madaxweynaha ayaa saaxiibada Soomaaaliya uga warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan deegaannadii dhawaan laga xureeyay Alshabaab iyo sida wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka bini’aadanimo ay ugu horeeyaan abaaro daba dheeraaday, barakac baahsan oo ka dhashay la dagaallanka argagixisada, biyo la’aan, hooy-la’aan  iyo sidii adeegyada asaasiga ah loo gaarsiin lahaa deegaannada laga xureeyay Al-shabaab oo muddo ka maqnaa gacanta Dowladda.

Madaxweynaha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la isla gartay in dhammaan degaanada la xoreeyay laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Somalia oo xanibtay Malaayiin dollar oo ku socday Al-Shabaab (Akhriso)

Caydiid Ali

Booliiska Puntland oo war kasoo saaray howlgalkii saakay lagu jabiyay Daacish

Cabdi Cade

Heshiisyo ay wada galeen Soomaaliya iyo Aserbajaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---