Culimaa’udiin Soomaaliyed oo bulshada uga digay Gudniinka FGM-ka (Sawirro)

Aqoon isweydaarsi ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlayay xoojinta wacyi gelinta la xiriirta ka hortaga iyo joojinta gudniinka gabdhaha.

Hay’adda Ifrah Foundation oo kaashaneysa heyadda UNFPA ayaa soo soo agaasintay kulankan oo labo cisho socday, iyadoo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay kaga hadleen sidii gabdhaha looga badbaadin lahaa gudniinka iyo sida diinta Islaamka aysan u oggoleyn FGM-ka iyo in lagu xad gudbo nafta qofka aadanaha ah jir ahaan iyo maskax ahaan.

Culimada ayaa ku cel-celiyey in gudniinka FGM-ka uusan raad ku laheyn diinta Islaamka, sidaasi darteedna loo wada istaago sidii loo ciribtiri lahaa.

Waxay sheegeen in Culimadu ay mar kasta diyaar u yihiin iney qeyb weyn ka qaataan ciribtirka caado dhaqameedka FGM-ka.

Qaar ka mid ah culimada ayaa soo jeediyey si loo joojiyo caado dhaqameedka gudniinka in culimada ay ka qeyb-galaan doodaha warbaahinta iyo dood cilmiyeedyada looga hadlo khatarta FGM-ka si ay kaalintooda ka qaataan wacyi gelinta arrintaas la xiriirta.

“Maalin walba in dad noloshooda la baabi’iyo, jirkooda la jarjaro wax badana aan laga qabanin waxay nagu tahay ihaano, gudniinka FGM-ka waxa uu ka dhigan yahay qof nool oo la dilayo, sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in sharci adag laga soo saaro joojintiisa, lana xoojiyo wacyi gelinta bulshada” ayuu yiri mid ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay kulankan.

Madaxa iyo aasaasaha heyadda Ifrah Foundation Ifraax Macalin Axmed oo gebagebadii kulankaas ka hadashay ayaa culimaa’udiinka Soomaaliyeed uga mahad celisay kaalinta ay ka qaataan had iyo jeer sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa joojinta gudniinka FGMka.

“Culimada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney Masaajidada iyo qeybaha kala duwan ee mediaha kaga hadlaan dhibaatada gudniinka FGMka, maadaama inta badan bulshada ay u dhego nugushahay, runtiina doorka culimada waa mid lagama maarmaan ah goob iyo xili kasta” ayey tiri Ifraax Axmed.

Waxay ugu baaqday Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska ee Xukuumada Somalia Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iney dhexda u xirato sidii loo soo saari lahaa sharci aan waxba u dhimeyn diinta islaamka oo dalka looga mamnuucayo gudniinka gabdhaha si loo yareeyo ama loo ciribtiro.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la iska kaashado ciribtirka FGM-ka, si loo ilaaliyo malaayiin qof oo khatar ugu jira gudniinka sannad kasta, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka adduunka ugu sarreeya ee lagu sameeyo gudniinka FGM-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -