Allbanaadir.com
NEWS

Dhallinyaro kasoo baxsaday Magafayaasha Liibiya oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa ka shaqeeyay in dalka dib loogu soo celiyo 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya muddo sanooyin ah, kuwaas oo gacanta ugu jiray kooxaha dadka tahriibiya.

Dhallinyaradan oo xiriir la sameeyay Safarradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ay ku soo dhaweysay Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta u qaabilsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban xabsiyada dalalka adduunka ay dib ugu soo celin lahayd dhulkooda hooyo islamarkaana ay dib ula midoobi lahaayeen qoysaskooda iyo ehelada ay kala irdhoobeeen.

Dalka Liibiya xabsiyo kuyaalla waxaa siyaabo kala duwan ugu xiran boqolaal dhallinyaro oo Soomaaliya ah,kuwaa oo badankood gacanta ugu jira kooxaha loo yaqaan magafayaasha oo madax furasho ahaan u heesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali badan oo kunool dalka Mareykanka oo maanta Wadnaha farta ku haya

Cabdi Cade

Faahfaahin cusub oo laga bixiyay Wajiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb & Warar kale

admin

Qofkii ugu horeeyay oo Cudurka Caronavirus ugu geeriyooday qaarada Afrika

Cabdi Cade