Wasaaarada Caafimaadka Somalia oo amar cusub ku soo rogtay Isbitaalada gaarka ah

Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa xarumaha iyo Isbitaalada gaarka loo leeyahay ku amartay iney daweeyaan ciidamada iyo shacabka ku soo dhaawacma howlgalada ka socda gobolada dalka

WAR SAXAAFADEED

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulashada iyada oo ka amba qaadayso waajibka qaran ee saaran ee u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed duruuf kaste oo lagu jiro, isla markaan fulinaysa go’aanka Golaha Wasiirrada kasoo baxay ee ahaa in Hayadaha Dowladda ee ay khusayso ay ka qayb-qaataan Gurmadka Ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira argagixisada waxay ku guda jirtaa gudashada waajibka qaran ee kaga aadan howl-galladada.

Hadabo si Ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jiro cadawga argagixisada ay u helaan adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin, waxay Wasaaruddu farriintaan si gaar ah ugu diraysaa Xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee heerarka kala duwan inay si buuxda ugu adeegaan una qaabilaan dhaawacyada Ciidamada Xoogga Dalka ee goobahooda la geeyo, wasaaraddu waxay ka filaysaa Xarumaha Caafimaadka inay farrinaatan si dhab ah u dhaqan galiyaan.

Wasaaraddu waxay ku dadaali doontaa inay si gaar ah isaga xil saarto raadinta iyo diyaarinta agabka, dawada iyo guud ahaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin Ciidamada Xoogga Dalka ee ku howlan xoraynta qaranka.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -