Howlgal ka bilowday Galbeedka Hiiraan & Ciidanka huwanta oo la wareegay degaanka Buq-aqable

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya shacab hubeysan ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo Al-Shabaab ay ku lahaayeen fariisin weyn iyo Maxkamad.

Wasiirka amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa goor dhow xaqiijiyey in askarta dowladda iyo dadka deegaanka ay la wareegeen deegaanka Buqa qable oo ku yaalla galbeedka Gobolka Hiiraan

La wareegida Degmada Buq Aqable ayaa waxay ka dhigan tahay in Al-shabaab ay gacantooda kabaxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha Al-shabaab.

Buq aqable oo Al-shabaab ay ka talinayeen muddo 10 sano ka badan ayaa waxaa ku taallay Maxkamad ay kooxdaas maamuleysay sidoo kale Buq aqable ayaa waxay aheyd goob ay Al-shabaab iskugu keeni xoolaha ay dadka ka qaadaan ee ay yeeraan Sakawaatka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte ayaa Ciidamada dib u xoreynta degaannada Hiiraan ee ka barbar dagaalamayo Ciidamada Qalabka sida ku booriyey inay laba jibaaraan dadaalka ay bixinayaan iyo sida ay u xaqiijiyeen Abaabulkii xiliga adag aay ku bilaabeen oo aay isaga xoreeynayeen Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -