RW Xamze: “Sababihii na dhaxalsiiyay qaran burburka dalka ka dhacay waxaa ka mid ah..”

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shirka guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan.

Waxaa maanta looga hadlay kulankaas dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo udub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xukumadda ka go’an tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshadda Soomaaliyeed, maadama cadaalad-darradu ay ka mid tahay sababihii na dhaxalsiiyay qaran burburka.

Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6da tiir ee barnaamijka xukumadda Dan-qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan, Dhamaystirka Heshiiska Siyaasadeed ee Hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda, Daadajinta Adeegyada Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga iyo  hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xsaabtan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -