Saraakiil booqatay goobihii lagala wareegay Al-shabaab ee Galgaduud (Sawirro)

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray ilaa shan deegaan oo ku yaala bariga gobolka Galgaduud kuwaasoo shalay lagala wareegay Al Shabaab.

Deegaanada ay gaareen waxaa ka mid ah Dhuumoodle, Abooreey, Dhisiq, Shurufle iyo Dabaco xun.

Goobaha ay tageen saraakiisha oo ay wehliyaan dadka degaanka ayaa waxay kuur galeen xaaladaha nololeed ee ka jira degaanadaas.

Ciidamada DF iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ayaa shalay kala wareegay Al-shabaab degaano badan oo ku yaalla bariga Galgaduud, waxaana meelaha qaar ka dhacay dagaalo culus o labada dhinac uu khasaare ka soo gaaray.

Howlgalada ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo meelo kale, iyadoo dagaaladan ay ku soo beegmeen xili abaaro xoogan ay ka jiraan degaanadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -