Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u weyn oo goordhaw ka dhacay magaalada Baladweyne iyo xaalado oo…

Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xooggan oo ismiidaamin ah , waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo si weyn jugtiisa looga maqlay magaalada Baledweyne ayaa wararku sheegayaan in lagu weeraray goob maqaayad ah oo kutaalla xaafada Horseed, halkaas oo la sheegay in ay aheyd goob aad u mashquul badan.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu ahaa mid aad u weyn, waxaana loo maleenayaa in qaraxan loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maqaayada lagu weeraray.

Waxaa socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada kasoo gaaray qaraxan goordhaw dhacay, walina si cad looma oga khasaaraha uu reebay qaraxa, xaalad kacsanaan ah ayaana ka jirta aaga uu qaraxu ka dhacay.

Waxii warar ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow tirada Xildhibaanada la doortay, inta Dhiman & sida maamulada ugu kala horeeyaan

Cabdi Cade

Ruushka oo tijaabiyay Gantaal uu ku cabsi gelinayo Waddamada Reer Galbeedka

Cabdi Cade

Labo Musharax oo tanaasulay & codeynta Wareegii ugu dambeeyey oo bilaabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---