Allbanaadir.com
NEWS

Villa Soomaaliya oo Shaacisay Miro dhalka Socdaalkii Xasan Sheekh ku tagay Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu ka qeyb Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynuhu inta uu ku sugnaa Maraykanka waxa uu xoogga saaray;

-In Madaxda Adduunka uu la wadaago halganka muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay wadajirka u bilaabeen ee la xiriira xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisadu.

-In la xoojiyo, lana dardar geliyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Abaaraha, isagoo xaaladda adag ee ka jirta dalka la wadaagay Beesha Caalamka.

-Madaxda dalka Maraykanka waxa uu ku adkeeyey dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida Gobolka iyo muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

-Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxa uu kala hadlay in mashaariicda horumarineed ee dalka ay ku fuliyaan lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aqbaleen, saameyn wanaagsanna ku yeelanaysa horumarka Soomaaliya.

-Waxa uu kulan-doceedyo la qaatay Madaxda dalal walaal iyo saaxiib la ah dalkeenna, si u xaqiijiyo taageerada diblumaasiyadeed ee muhiimka u ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Muqdisho lagu soo celinayo iyo Shirka Wadatashiga oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay Dibad baxa ay qorsheeyeen Mucaaradka Digniin adagna diray

Cabdi Cade

Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay Magaalada New York iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---