Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay Magaalada New York iyo sababta ka dambeysa

Eric Adams  duqa magaalada New York ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo magaaladaas la geliyey si wax looga qabto xaalad qalalaase oo ka dhalatay qulqulka dadka tahriibaya.

Dad ka badan 17,000 kun oo qof ayaa magaalada ka soo galay xadka koonfureed tan iyo bishii Abriil ee sanadkan

Gobollada Jamhuuriga sida Texas, Arizona iyo Florida waxay soo galootiga u diri jireen aagagga Dimuqraadiga bilihii la soo dhaafay.

Mr Adams ayaa shir jaraa’id ku sheegay Jimcihii in ilaa Sebtembar, celcelis ahaan shan ilaa lix bas ayaa imanayay magaalada maalin kasta.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee ku nool nidaamka hoyga magaalada uu hadda yahay magangalyo doon.

Sidoo kale waxaa uu sheegay qaar badan oo ka mid ah kuwa yimid waa qoysas wata carruur da’dii dugsiga gaaray ayna aad ugu baahan yihiin daryeel caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -