Allbanaadir.com
NEWS

Doorasho maanta ka dhacday xarunta Villa Hargeysa iyo xubnaha kusoo baxay (Sawirro)

Xubnaha Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Majlis Shuurada Qatar, ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Soomaaliya.

Doorashada guddoonka guddigan oo ahayd hab gacan taag ah ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ay ku shiraan golaha Shacabka ee baarlamanaka federaalka, waxaana doorashada kusoo baxay saddexdan xubnood:

Guddoomiye: Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire
Guddoomiye ku xigeen: Senator Axmed Maxamed Saciid (Irbad)
Xoghaye: Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi

 

Xubnaha la doortay ayaa ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qatar iyo shacabka walaalaha ah ee Labada dal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Aroosyo ka dhici lahaa Muqdisho oo baaqday iyo Dowlada Soomaaliya oo Sabab u noqotay !!

Cabdi Cade

Wiilal Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay dalka Koonfur Afrika (Sawiro iyo Magacyada)

Cabdi Cade

Ciidamo hor leh aadna u hubeesan oo la geeyay Galgaduud iyo Wararkii u Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---