Xukun dil ah oo lagu riday labo nin oo fududeeyay qaraxyo badan iyo dilal ka dhacay Muqdisho

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saakay Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) oo 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo lagu helay dambiyo kala duwan.

Labadan nin ee xukunka dilka ah Maxkamada ku riday ayaa lagu helay dambiyo badan ay kamid ahaayeen in ay sahmiyeen qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale weerar gaadiid loo adeegsaday.

Maxkamada ayaa sheegtay in labadan nin ay qirteen in ay xubno ka ahaayeen dagaalahanada Al Shabaab sidoo kale fududeeyeen qaraxyo badan iyo dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa ragan xukunka dilka ah lagu riday qabtay 22/12/2018 xiligaas ay wax ka abaabuleen qaraxii ka dhacay  Tiyaatarka Qaranka, waxaana Maxkamada sheegtay in labadan nin ka degeen gaarigii ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon.

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in ragan lagu riday xukunka dilka ah ay fursad u heestaan in mar kale racfaan ka qaataan xukunka dilka ah ee lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -