Maxaa kasoo baxay kulan dhax maray Gaas Michael Keating ?(Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa la kulmay wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Michael Keating.

Madaxeynaha  ayaa markii uu kulanku soo dhamaday la hadlay warfidiyeenka waxaana uu sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlan ee Magaalada Garoowe,

“Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay Danjire Michael Keating  oo ah wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan oo runtii aan si dhow u wada shaqeenayney mudo sadex sano ku dhow, Danjire Michael Keating waxa uu noogu yimid shaqda ay UN- ku ka hayaan Puntland guud ahaan dhammaanteed in aan iska wareeysano nabadeentii kasocotay  Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee UN-ku ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, hanoqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, hanoqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishaan gudeheeda ee aan hada ka nimaadnay, waxaasoo dhan baan ka wada hadlanay “ ayuu yiri Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo hadal kooban la wadaagay warbaahinta ayaa uga mahad naqay Madaxweynha  Puntland kulanka uu kula qaatey xafiiskiisa, isla mar’ahaantaana ku bogaadiyey Puntland horumarka baaxada leh ee ka socda mudada kooban ee madaxweynuhu uu xilka hayey, sidoo kalena Danjire Michael Keating ayaa sheegay in Madaxweynha  ay kawada hadleen arrimaha siyaasda Soomaaliya, Amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.

Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee Gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla’amarakana aan laga cabdsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata Gobolka Mudug, sidoo kale Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada midoobay ay arinta gobolka Sool ka telagelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaadhista masiirkooda.

Ugu danbeyn Madaxweynha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay kawada hadleen asaga iyo Danjire Michael Keating xaalada Tukaraq waxaana uu madaxweynuhu si cad ugu sheegay Danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaalada deegaanka Tukaraq oo uu Maamulka Soomaaliland kusoo duulay,  isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland katirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -