DF oo Shaacisay in Al Shabaab looga dilay Yasooman 75-nin kuwa kalana nolol lagu qabtay

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga Soomaaliya ay wehliyaan maleeshiyo beeleed iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Yasooman oo katirsan gobolka Hiiraan.

Deegaankan oo horey u joogeen xubno katirsan Al Shabaab waxaa weerar culus ku qaaday ciidamada huwanta ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo dhax maray labada dhinac.

Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dagaalka guulo ka gaareen, waxa uuna xusay in howlgalkaasi ciidankooda ku dileen 75-nin oo katirsanaa Al Shabaab kuwa kalana lagu dhaawacay.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliyeed in ciidamada howlgalka waday nolosha ku qabteen qaar kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab ,sidoo kale ciidanka la wareegeen hub kala duwan ay lahaayeen Al Shabaab.

Deegaano badan oo katirsan gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgalo ay wadajir u wadaan ciidanka xoogga Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad macawuusley ah, waxaana ciidanka dowladda wali kusii siqayaan deegaano kale oo Al Shabaab maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -