Muuse Biixi oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo Puntland sheegato maamulkeeda (Sawirro)

kumannaan iyo kumannaan kamid ah qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa

Madaxweynaha maamulka Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Laascaanood.

Muuse iyo weftigiisa, ayaa waxa duleedka Galbeed ee magaalada kaga hor yimi dadweyne xamaasadaysan oo calanka Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadi, waxana uu madaxweynuhu la qaatay socod lug ah.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay hareero socdaan wegen fardo ahi ayaa socod dheer ku maray shaarica weyn ee magaalada oo ay tubnaayeen dadweyne safaf u taagani oo ay hormuud u yihiin labeenta iyo madax-dhaqameedka gobolka Sool.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa iyana maamulkeeda sheegtay Puntland oo masuuliyiin ugu magacaaban yihiin, hasa ahaatee waxaa magaalada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -