Jeneraal Biixi oo Shaaciyay fal layaab leh oo ay sameeyeen xubno katirsan Al Shabaab

Taliyaha ciidamada dhulka ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa ka hadlay dhacdo layaab leh uu sheegay in ay arkeen intii uu socday dagaal deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan ku dhax maray ciidanka dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab qoorta ka jareen meydadka saddex nin uu sheegay in looga dilay dagaalkii Aboorey, waxa uuna xusay in Al Shabaab horey usii qaateen madaxyada raga ay qoorta ka jareen.

“Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliya in kooxda Al Shabaab ugu tala galeen in aan la aqoonsan meydadka saddexda nin uu tilmaamay in ay tuhmayaan in ay yihiin saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab.

Taliyaha ayaana sheegay in ciidanka xoogga iyo ciidamada kaabaya in aysan joojin doonin dagaalka bilowday ee ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in dagaalka soconayo ilaa kooxdaasi laga soo afjaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -