Allbanaadir.com
NEWS

Jaakad ay xiratay Marwada Koowaad ee Maraykanka oo muran badan dhalisay (Daawo Sawirro)

Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa lagu dhaliilay jaakad ay u xiratay safar ay ku tagtay meel carruurta muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla Texas.

Melania ayaa la arkay iyadoo xiran jaakad ay ku qoran tahay “dan iyo muraad kama lihi ee adiguna”?, iyada oo markaas sii fuulaysa diyaarad.

Afhayeen u hadashay ayaa sheegtay in aysan “duur xul ahayn” dookha jaakadda ay dooratay Melania.

Jaakadda Zara oo 39 doolar la siiyo ayaa caro ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku xiriiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe Twitter-ka soo dhigay in jaakadda xaaskiisa “loola jeedo warbaahinta beenta ah”.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isla markiiba dhaliilay fariinta aan qarsoonayn ee xaaska madaxweynaha.

Qofka kale ayaa Twitterka ku soo qoray in marwadu ay ula kac u soo xiratay iyadoo heli kartay in ay xirato jaakado ka qaalisan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo saakay gaaray degmada Buuloburde

Cabdi Cade

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo kusoo wajahan Muqdisho iyo xog ku aadan halka la dejinayo

Cabdi Cade

Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo ku heshiiyey xabad joojin 24 saac ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---