Madaxweyne Gabriel oo diiday inuu Warqadaha aqoonsiga ka gudoomo danjiraha Israel

Madaxweynaha dalka Chile Gabriel Borek ayaa diiday inuu warqadaha aqoonsiga ka aqbalo danjiraha cusub ee Israa’iil Gil Artziale

.Gabriel ayaa sheegay in damiirkiisu uu diiday inuu qaabilo safiirka cusub ee Israel Gil Artzeli Kadib markii uu arkay xadgudubyadii ugu dambeeyey ee ay Israel kula kacday Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Gabriel Borek ayaa ku eedeeyey Israaiil iney carruur ku dhishey duqeymihii iyo weeraradii ay ka fulisay Gaza dhowaan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ay dib u soo ceshan doonto safiirkeeda Chile Axadda soo socota si loogu qabto Xaflad niyad dhis ah oo lagaga sabir siinayo Foolxumadii uu kala Kulmay Dalka Chile.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ay xaqiijiyey Warkan, isagoo u waramaya The Jerusalem Post.

“Safiirkeena Artzeli wuxuu la kulmay arin foolxun sabatoo Qasriga madaxtooyada Chile ayuu ku sugnaa markii lagu yiri Madaxweynaha Dalka Chile kuma qaabilayo, Weliba  Safiirkeenu isagoo aan waxba ogeyn, wasiirka arrimaha dibadda Chile Antonia ayaa ku soo wargaliyay in waraaqaha aqoonsiga aan laga gudoomayn ee uu ka tago madaxtooyada. Weji gabax ka weyn arintan Israel masoo marin Casrigan “ayuu yiri afhayeenka

Madaxweynaha Dalka Chile Gabriel Borek ayaa  Israa’iil ku tilmaamay dal dilaa ah,mar uu kulan la yeeshay Jaaliyada Yuhuudda ee ku dhaqan Dalkiisa, Xiligii uu ku jirey ololihiisa doorashada.

 

- Advertisement -