Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo War kulul ka soo saaray Nabadoono lagu dilay gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumiinta kala nabadoon Yuusuf Fiidoow Faarax, Wiil uu dhalay oo lagu Magacaabi jiray Ibraahin Yuusuf Fiidow iyo Nabadoon Muqtaar Xaaji oo ku geeriyooday qarax miino oo Al-shabaab kula eegteen inta u dhaxeysa Degmada Buulo Burde iyo Buq aqable oo ay ku safrayeen.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumiinta geeriyooday ay ahaayeen Nabadoono Indheergarad ah oo ka shaqeeynayay nabada iyo horumarka Gobolka Hiiraaan waxa uuna Alle uga baryay inuu qabriga u waaciyo naxariistiisa janno uu ka waraabiyo, qoyska iyo Ehelka ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha sidoo kale caafimaad deg deg ah alle uga rajeeyay Nabadoon Xuseen Xasan Lugyare oo ku dhaawacmay falkaasi.

Dhanka Kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan kacdoonka lagu ciribtirayo kooxda  arxanka daran ee alshabaab oo caadeystay daadinta dhiiga, beegsiga haldoorka umadda iyo xasuuqa shacabka, sida ay hadalka u dhigeen, waxayna intaa ku dareen in Al-shabaab uu waqtigoodu gabaabsi yahay goor-dhowna laga adkaan doono.

 

Related posts

Israsaaseyn caawa ka dhacday Magaalada Garowe iyo Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Ganacsade goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ammaanka Ra’isul Wasaare Rooble oo la adkeeyay iyo Ciidamo cusub oo loo geeyay

Cabdi Cade