Ciidamo loogu tala galay in ay xureeyaan Ceelbuur oo Muqdisho laga qaaday (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho diyaarado looga qaaday ciidamo loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan howlgalo dib loogu xureenayo degmada Ceelbuur iyo deegaano badan oo hoostaga degmadaasi.

Ciidamadan oo katirsan milatariga iyo booliiska Soomaaliya ayaa u abaabulan qaab beeleed, waxaana ciidankan loogu tala galay in ay hoggaamiyaan duullaan la filayo in lagu qaado degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoostaga.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan ayaa loo qaaday magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaas oo lagu sii diyaarinayo ciidamadan, waxaana la filayaa in magaaladasai la geeyo ciidamo kale oo Muqdisho lagu aruurinayo.

Beelaha dega deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud ayaa wada abaabul ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanadooda , waxaana aaabulkan qeyb ka ah dowladda federaalka oo iyana diyaarineysa dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -