Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada sare ee Kenya oo ganaaxday Wasiirka arimaha gudaha, Taliyaha booliska & Saraakiil kale

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ganaax lacageed ku xukuntay masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda Kenya.

Garsoore ka tirsan maxkamada ayaa sheegay in lacagta ganaaxa ah oo midkiiba laga qaadi doono labo kun oo dollar laga jari doono mushaharkooda, waxayna kala yidhiin saddexda masuul ee la ganaaxay Wasiirka arimaha gudaha, Taliyaha booliska iyo Madaxa waaxda socdaalka.

Waxaa lagu eedeeyey iney quursadeen maxkamada ayna iska dhega tireen amar ka soo baxay oo ahaa in la sii daayo siyaasiga mucaaradka ah ee Miguna Miguna oo dalka masaafuriyey.

Masuuliyiintan ma hor tagin Maxkamadda inkastoo maxkamaddu dhawr jeer u yeertay kamana hadlin xukunka ganaaxa ah ee lagu riday.

Siyaasiga Miguna Miguna oo dowlada Kenya ku eedeysay inuu ka qeyb galay iscaleemo saarkii Raila odinha ayaa khasab lagu saaray diyaarad Dubai gaysay, isagoo lo masaafuriyey dalka Canada oo dhalashadeeda uu heysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yuusuf Dabageed oo guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Hirshabelle Hay’addaha UN-ka (Sawirro)

Cabdi Cade

Amaro cusub oo lagu soo rogay Shaqaalaha rayidka ah ee heyadaha Dowlada Somalia

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo ka falceliyay Hadalkii R/W Xamse Barre Weerar culusna ku qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---