Dowlad Afrikaan ah oo dhalasho siineysa ajaaniib ay ku jiraan dad Soomaali ah

Muwaadiniin ka soo jeeda 49 Waddan oo oo ay ku jiraan dad Soomaali ah ayaa la siinayaa Dhalashada dalka Nigeria.

Madaxweynaha dalka Nigeria  Muhammadu Buhari waxa uu qalinka ku duugay in 286 Shisheeye ah oo ku nool Nigeria la siiyo Dhalashada dalkaasi (Nigerian Citizenship).

Shisheeyaha la siinayo Dhalashada Nigeria waxay ka soo kala jeedaan 49 Waddan, waxayna Dukumentiyada Nigerian Citizenship lagu guddoonsiinayaa Xaflad Khaas ah oo Xarunta Madaxtooyada Nigeria ee ku taalla ee Abuja lagu qabanayo maanta oo Khamiis ah.

Buhari waxa uu Dokumentiyada Muwaadiniinta cusub ee Nigerian Citizenships ansixiyey bishii February 9-dii ee sanadkan 2022-ka.

Shisheeyaha noqday Muwaadiniinta Nigerianka cusub (The new Nigerians) waxaa ku jira 180 Lebanese,  16 Italian,  14 Britons (UK), 5 u dhalatay dalka Niger. Sidoo kale, Shisheeyaha helay ee ka Faa’ideystay in la siiyo Aqoonsiga Muwaadinimada Nigeria waxaa kaloo ka mid ah Muwaadiniin ka soo kala jeeda dalalka kala ah:

Somalia, Sudan, Masar, Maraykanka, Sri Lanka, Plastine,  Syria, Greece,  India, Jamhuuriyada Dominican Republic,  France, Australia, Pakistan, Urdun ((Jordan), Scotland, Qubrus (Cyprus),  Ireland, Uganda,  Spain,  Eritrea,  Liberia, Iraq, Iran, China, Congo, Croatia,  The Philippines,  Cameroon,  Sierra Leone,  Mali iyo Jasaa’irka Sao Tome and Principe.

Dhinaca kale,  Ajaaniibta kale ee ku nool Nigeria ee loo oggolaaday  Dhalashada dalkaasi waxay ka soo kala jeedaan Turkey, Germany    Kenya,  Ethiopia,  Zimbabwe,  Tunisia,  Liberia, Iran, china, Bulgaria,  Israel,  Ukraine,  Spain,  Serbia,  Iraq, Iran,  Belarus iyo Croatia.

- Advertisement -