Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland (Sawirro)

, Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulankan dhax maray Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Sheekh Axmed ayaa looga hadlay gurmadka abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ba’an ku haya Ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Saciid Deni oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Caydiid Ali

Qoorqoor oo xariga ka jaray xarun ay baahi weyn u qabeen shacabka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Liiska Musharaxiinta doorasho beri ka dhacaysa Dhuusamareeb oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---