Madaxweyne Filipe Nyusi oo Baaq kasoo saaray Shaqo joojin ay sababeen Ururka Al Shabaab

Dalka Muzambik gaar ahaan gobolka lagu magacaabo  Cabo Delgado, waxaa in muddo ah ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada milatariga dalkaasi iyo koox hubeesan oo la baxday magaca Al Shabaab .

Dagaalka Al Shabaab ka wado gobolka  Cabo Delgado ayaa sababay in shirkado shisheeye oo dalkaasi ka waday howlo shidaal qodis ah ay joojiyaan shaqada, waxa ayna shirkadahan ka cabsadeen in dhibaato kasoo gaarto dagaalka Al Shabaab wadaan.

Madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyusi oo ka hadlay shir looga hadlayay Gaasta iyo Tamarta  ayaa ugu baaqay shirkadaha shidaalka ee dalalka reer Galbeedka, inay dib u bilaabaan shaqadii ay ka hayeen gobolka Cabo Delgado.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in xaalada ammaanka gobolkaasi gaar ahaan magaalada Palma ay soo hoggaagtay, waxa uuna xusay in ciidamada amniga diyaar u yihiin in ay sugaan amniga goobaha shidaalka laga soo saaro .

Koox la magac baxday Al Shabaab oo xiriir la leh kooxda Daacish ayaa weeraro joogta ah ka geesata gobolka  Cabo Delgado, waxa ayna kooxdan sababtay in shirkaddo badan isaga baxaan gobolkaasi ,sidoo kale dadkii degnaa qaarkood isaga barakacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -